Cumar C/rashiid oo ka biyo diiday go'aankii guddiga doorashada

Cumar Cabdirashiid oo ka hor yimid go'aankii guddiga doorashada
Image caption Cumar Cabdirashiid oo ka hor yimid go'aankii guddiga doorashada

Hadal qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Cumar Cabdirashiid uusan ku qanacsanayn go'aanka ay guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ku gaareen in doorashada xildhibaannada Hiiraan iyo Sh/dhexe lagu qabto Muqdisho.

"Go'aan ka gaaridda goobta lagu qabanayo Doorashadda Xildhibaanadda Goboladda Hiiraan iyo Sh/Dhexe waa mid u taalla Dowladda federaalka Soomaaliya" ayaa lagu sheegay hadalka qoraalka ah.

Wuxuu sheegay in guddiga looga baahan yahay in marka ay wadatashi la yeeshaan odayaasha dhaqanka ee gobolladaas ka dib, ay natiijada u soo gudbiyaan dawladda Federaalka "sidii hore loogu heshiiyey", taasoo go'aan ka gaari karta.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa 26 September sheegay in doorashooyinka muddo bil ah dib loo dhigay, ayadoo doorashada xildhibaannada Hiiraan iyo Sh/dhexena ay ka dhici doonto Muqdisho, taasoo "ay duqayda dhaqanka ee gobolladaas codsadeen".

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan