Shimon Peres oo geeriyooday

Peres oo geeriyooday Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Peres oo la guddoonsiinaya shahaado

Shimon Peres oo ahaa Siyaasiga rug caddaaga ah ee reer Israa'iil isla markaana hadda ka hor ku guuleystay billadda nabadda ee nobel ayaa geeriyooday.

Peres ayaa da'diisu ahayd 93 sano, waxaana la dhigay cusbitalka labo usbuuc ka hor, xilligaasi oo uu soo ritay xanuunka faaligga.

Shimon Peres ayaa waxa uu ka mid ahaa jiilkii ugu dambeeyay ee siyaasiinta Israa'iil ee u soo joogay aasaaskii Israa'iil sanadkii 1948-kii.

Ra'iisal Wasaraaha Isarel ayaa ku tilmaamay in uu ahaa nin nabadeed.

Sanaddadii ugu horreeyay, waxa Peres loo arkayay dagaal ooge balse 1990-meeyadii waxa uu door muhiim ah ka qaatay heshiis siyaasadeed oo israa'iil ay la gashay Falastiyiniinta.