Dhaqaatiirta England ayaa ku guuldaraystay dacwad maxkamad sare oo ku saabsan heshiiska shaqada

Junior doctors' protest Lahaanshaha sawirka PA

Dhaqaatiirta England ayaa ku guuldaraystay dacwad maxkamadda sare ee England, oo ay ku doonayeen joojinta heshiis shaqo oo ay dowladda soo rogtay oo bilaabanaya Octobar.

Kooxda Justice for Health, ayaa sheegtay inay gaysay dacwadda maxkamadda, iyagoo sheegay heshiiska inuu yahay mid qatar ah oo aan lagu shaqayn karin.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in dacwadda ay tahay mid aan sal lahayn.

Wasiirada ayaa ku adkaysanaya in heshiiska cusub ee shaqada loo baahan yahay, si loo hormariyo adeega caafimaadka ee isbitaalada ee maalmaha nasashada, isla markaana loo helo toddobo maalmood oo adeeg caafimaad ah.

Muranka ka dhashay heshiiska cusub ee shaqada oo la bilaabayo October, ayaa keenay in kumanaan qaliin iyo balamo isbitaal la hakiyo ka dib markii ay dhaqaatiirta sameeyeen shaqo joojin.