Madaxa Olimbikada Kenya oo lagu eedeeyay xatooyo

Kenya ayaa biladihii ugu badnaa ka soo hoyisay tartankii Olimbikada ee Rio marka laga hadlaya qaaradda Afrika. Lahaanshaha sawirka BBC Sport
Image caption Kenya ayaa biladihii ugu badnaa ka soo hoyisay tartankii Olimbikada ee Rio marka laga hadlaya qaaradda Afrika.

Ninka hogaaminyay kooxda Kenya uga qeyb gashay ciyaarihii olimbikada ee Rio ayaa lagu eedeyay inuu xaday in ka badan 250 kun oo dollar oo loogu talagalay in ciyaartoyda looga bixiyo hoteelada.

Stephen Arap Soi waxaa lagu eedeyay in lacagtaasi uu la tagay Barzil balse markii la weydiiyay sida ay ku baxday uu sharraxaad ka bixin waayay.

Wuu beeniyay eedymaha xatooyada ee loo soo jeediyay.

Laba mas'uul oo kale oo ka tirsan Guddiga Olimbikada Kenya ayaa iyaguna lagu eedeyay inay xadeen labiskii ciyaartoyda Kenya loogu talagalay.

Intii ay socdeen ciyaaraha Rio, Kenya waxaa soo wajahay dhowr fadeexooyin la xiriira isticmaalka dowooyinka kordhiya awooda jirka, musuqmaasuq iyo mamaul xumo.

Wasiirka ciyaaraha Kenya ayaa mar sii horreysay kala diray Guddiga Olimbikada, balse mas'uuliyiinta guddiga ayaa ku gacan seyray amarka wasiirka.

Kenya ayaa biladihii ugu badnaa ka soo hoyisay tartankii Olimbikada ee Rio marka laga hadlaya qaaradda Afrika.