Carruur qaba HIV oo uusan isu badalin Aids 'iyaga oon dawo la siinin'

Dalka Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee qaba xanuunka HIV/Aids Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dalka Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee qaba xanuunka HIV/Aids

Cilmi baaris ay sameeyeen saynisyahanno ka tirsan Jaamacadda Oxford ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba toban caruurta uu ku dhaco fayraska HIV uusan isu badalin xanuunka AIDS, xataa iyaga oon wax dawo ah qaadanin.

170 carruur ah oo qaba HIV oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday in difaaca jirkoodu uu u dhaqmayo si la mid ah nooc ka mid ah xayawaanka naaslayda ah oo cudurka qaba.

Khuburadu waxay sheegeen in arrintaasi ay horseedi doonto hanaan dawayn oo cusub oo loo adeegsan doono dhammaan dadka uu ku dhaco fayraska HIV.