Turkiga oo 3 bilood oo dheeri ah ku daray xaaladda dagdaga ah

Erdogan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Erdogan

Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa meel mariyay in saddex bilood oo dheeri ah lagu daro wakhtiga uu dalku ku sii jirayo xaaladda dagdaga ah.

Taladaas lagu kordhinayo wakhtiga xaaladda dagdaga ah waxaa soo jeediyay guddiga ammaanka ee qaranka.

Madaxwaynuhu wuxuu sheegay in loo baahday wakhti dheeri ah oo lagu dabar jaro khatarta ka timid waxa uu ugu yeeray "kooxaha argagixisada ah" ee wixii ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee bishii todobaad.

Laakiin dadka dhaliishan arrintan waxay sheegayaan in sharciga xaaladda dagdaga ah si xun loo adeegsaday iyada oo ay intaas ku dareen in la xirxirayo dhamaan dadka ka soo horjeeda dawladda oo aysan ku ekayn dadkii looga shakiyay in ay maleegeen afgambiga.

Erdogan ayaa sheegay in ay ka go'an tahay soo afjaridda waxa uu ugu yeeray "marinka argagixisada" ee xuduudda Turkiga iyo Suuriya.