Shimon Peres oo tacsiyo loogu sameynayo Qudus

Aaska Peres Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Tacsiyada loo dhigaya Peres

Madaxda adduunka ayaa isu diyaarinaya in ay ka qayb qaataan tacsida iyo aaska loo samaynayo Shimon Peres.

Shimon Peres oo ahaa ra'iisul wasaarihii hore ee Israa'iil ayaa dhowaan u geeriyooday cudurka faaligga.

Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana xuska aaska uu ka dhici doonaa Qudus.

Dadka Peres u baroordiiqaya waxaa ka mid ah Bill Clinton iyo Barack Obama.

Madaxda reer Falastiin ayaa sidoo kale ka qayb galaya aaskan, waxaana ka mid ah Maxamuud Cabaas iyo Saeb Erakat.

Kummanaan Yuhuud ah ayaa u tacsiyeey Shimon Peres, waxaana maydkiisa la dhigay baarlamaanka Israa'iil