Duterte oo dagaalka uu kula jiro daroogada barbar dhigay kii Hitler

Duterte ayaa sheegay in uu rabo in uu badbaadiyo jiilka dambe ee Philippine Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Duterte ayaa sheegay in uu rabo in uu badbaadiyo jiilka dambe ee Philippine

Madaxwaynaha dalka Philippine, Rodrigo Duterte ayaa ol'olihiisa ka dhanka ah daroogada barbar dhigay dagaalkii Holocaust ee Yuhuudda lagu laayay, isaga oo sheegay in uu dadka daroogada qabatimay ka dili karo intii uu Hitler ka dilay Yuhuudda.

Duterte ayaa sheegay in Hitler uu dilay saddex milyan oo Yuhuud ah, haddii saddex milyan oo daroogo la qabatintay ay ka jiraan dalkiisana uu aad ugu farxi lahaa in uu wada laayo.

Ugu yaraan saddex milyan oo Yuhuud ah iyo dad kale oo ah kuwa laga tirada badan yahay ayaa la ogyahay in Nazis-kii ay dileen

Duterte ayaa laayay dadka darooga isticmaala iyo kuwa ka ganacsada tan iyo markii uu xilka la wareegay bishii lixaad ee sanadkan.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dadka la dilo waxay u badan yihiin kuwo dambiyo yaryar galay ama darooga ka ganacsada

Tirada rasmiga ah waxay sheegaysaa in booliiska iyo ciidammo iskood isu abaabulay ay dileen in kabadan 3,000 oo ruux.

Kuwa la dilo intooda badana bannaanada ayaa lagaga tagaa iyaga oo lagu ag dhajio shay lagu soo qoran dhamaan dambiyadii ay galeen.

Madaxwaynaha ayaa si cad horay ugu sheegay in uu dili doono 100,000 oo ruux si loo dhimo dambiyada ka dhaca Philippine.

Hadalkiisaas waxaa aad u dhaliilay oo "wax xun oo lala yaabo ku tilmaamay" kooxaha Yuhuudda sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters.