Siyaasiyiinta Colombia oo xal u raadinaya natiijadii aftida

Dadka qaar way ka nexeen natiijada Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dadka qaar way ka nexeen natiijada

Hogaamiyayaasha siyaasadda ee dalka Colombia ayaa ka fiirsanaya tallaabda xigta eeay qaadi lahaayeen ka dib markii codbixiyayaasha ay diideen heshiiskii taariikhiga ahaa ee nabdda.

Heshiiskaasi ayaa dhex maray dowladda iyo falaagada FARC.

Dadka wax falanqeeya waxay sheegayaan in Colombia ay wajeheyso qalalaase siyaasadeed.

Madaxweynaha dalkaasi, Juan Manuel Santos waxuu horey ugu adkeystay inuusan jirin qorshe kale, haddii heshiiska uu fashilmo.

Madaxweynaha Colombia, waxa uu hadda sheegayaa inuu heshiiska uu ku sii dhaqmi doono waxyaabaha uu faraya heshiiska xabbad joojinta.

Hogaamiyaha FARC, Timochenko, ayaa dhankiisa ku adkeystay in dagaalka uusan soo noqon doonin, heshiiska nabaddana ay fulin doonaan.

Balse, madaxweynihii hore ee dalkaasi, Alvaro Uribe, oo hogaaminayay ololaha diidmada heshiiska waxuu sheegay in heshiiska uu u baahan yahay in wax laga saxo.

Waxa uu ku doodayaa in heshiiska uu dhigayo in xubnaha FARC ee xad gudubyada geystay aan lala xisaabtameynin, taasoo ah buu yiri mid aan sax ahayn.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Natiijada codbixinta ayaa aheyd mid aad isugu dhaw waxa ayna ka nixisay dad badan oo Colombia u dhashay

In ka badan 13 milyan oo qof ayaa codkooda ka dhiibtay aftida loo qaaday heshiiska, hasayeeshee kooxda MAYA ayaa waxa ay ku guulaysteen waxyar wax ka badan 60 kun oo cod.

Madaxweyne Juan Manuel Santos - oo laf ahaantiisa todobaadkii hore heshiiska la saxiixday hogaamiyaha FARC - ayaa sheegay in heshiiska uu sii socon doono isaguna uusan iscasilayn.