Maalmihii ugu dambeeyay waxaa soo baxayay in qeybaha kala gedisan ee bulshada Soomaalida ay xoogga saarayeen sidii lagu joojin l
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sheekh Maxamed Idiris oo muhaajiriinta buug ka qoray

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa soo baxayay in qeybaha kala gedisan ee bulshada Soomaalida ay xoogga saarayeen sidii lagu joojin lahaa Soomaalida naftooda khatarta u galisa sidii ay ku gaari lahaayeen qaaradda Yurub ama Amerika ba.

Waxaa dadkaasi codkiisa ku biiriyay Sheekh Maxamed Idiris oo muhaajiriinta Soomaalida ka qoray buug uu ugu magac daray "Safarkii geerida".

Sheekha ayaa buugiisa waxa uu diiradda ku saarayaa dhalinyarada haween iyo ragba leh ee naftooda ku biimeeya badweynta Mediteranean-ka.

Haddaba Sheekh Maxamed Idiris maxaa xilligan ku dhaliyay inuu buugaasi qoro? Su'aashaas iyo kuwa kale ayuu Maxamed Cabdiraxmaan waydiiyay Sheekha?