Afghanistan: Talibaan oo ku duushay gobollada Khudus iyo Helmand

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Saraakiisha dowladda Afghanistan waxay sheegayaan inay iska difaaceen weerar xalay lagu qaaday xarumohooda

Xubno ka mid ah dowladda Afghanistan ayaa waxa ay sheegayaan in Talibaan ay hormar ka sameyneyso dagaalka Khundus ee waqooyiga dalkaasi.

Dagaal culus ayaa wuxuu hadda ka socdaa gobolka Khundus ka dib markii xagjiriinta ay weerareen halkaasi.

Khundus waxay muddo kooban gacanta u gashay Talibaan, sanadkii tagay, laakiin ciidamada dowladda ayaa dib ula wareegay.

Sidoo kale, Talibaan ayaa dhowaanahan waxay dagaal adag ka waday gobolka Helmand ee koofurta dalka Afghanistan.

Dagaalyahannada Talibaan waxay qabsadeen degmada muhiimka ah ee Nawa, taas oo marin muhiim u ah xarunta gobolka Helmand ee Lashkar Gah.

Dadka wax falanqeeya waxay sheegayaan in dowladda uu cadaadis weyn ka saaran yahay sidii ay tallaabo muhiim ah u qaadi lahayd, si ay u qabsato deegaanada lagala wareegay.

Mowduucyada la xiriira