Baaqyada lagu xirayo suuqyada foolasha maroodiga oo la aqbalay

Maroodi Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Xalkan cusub waxaa loo arkaa tallaabo muhiim ah

Wufuudda ku sugan shirka hay'adda Qaramada Midoobeey u qaabilsan arrimaha duurjoogta ee ka socda Koofur Afrika, ayaa waxay meel mariyeen in la xiro dhammaan suuqyada qarsoodiga ah ee lagu iibiyo foolasha maroodiga.

Dadka u ololeeya ilaalinta duurjoogta ayaa tallaabadan u arka mid muhiim ah oo looga hortagi karo dhibaatada hadda haysata maroodiga.

laakiin dalka Japan, oo uu ku yaallo mid kamid ah suuqyada ugu weyn ee lagu iibiyo foolasha maroodiga, waxa uu sheegay in qorshahan cusub uusan dalkaasi ka shaqeyn doonin.

Suuqyadii weynaa ee caalamka ee lagu iibin jiray foolasha maroodiga waxaa la xiray sanadkii 1989kii, laakiin weli waxaa jira suuqyo qarsoodi ah oo daafaha caalamka ku kala yaalla.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dadka ka shaqeeya arrimaha duurjoogta waxay sheegayaan in suuqyada sharciga ah ay ku hoos qarsan yihiin kuwa sharci daro ah

Welina waxaa Afrika ka jira walaaca ah in ka ganacsiga foolasha maroodiga ay dhiiragelineyso in la ugaarto maroodiga.

Dalal ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Shiinaha ayaa waxay ku dhawaaqeen inay xirayaan suuqyadooda.

Britain ayaa dhowaantan dhankeeda xirtay suuqyadeeda, waxayna ka ganacsiga foolasha maroodiga mamnuucday sanadkii 1947.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Fool maroodi oo lagu gubay Kenya

Dalalka Afrika oo dhan waxay doonayaan in gebi ahaanba difaac heer sare ah la siiyo maroodiga qaaradda iyo in la joojiyo guud ahaan ganacsiga. Waxaa suuragal ah in doodda arrintan ay sii kululaato.