Hogaamiye Ikhwaanul Muslimiinka ka mid ahaa oo lagu dilay Masar

Dowladda Masar waxay Mr Kamaal ku tilmaamtay hogaamiyaha garabka hubeysan ee Ikhwaanka Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dowladda Masar waxay Mr Kamaal ku tilmaamtay hogaamiyaha garabka hubeysan ee Ikhwaanka

Hoggaamiya sare oo ka tirsan ururka ikhaawnul Muslimiinka ayaa waxaa dilay xoogagga Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Masar.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda ayaa waxa lagu sheegay in Maxamed Kamal iyo qof kale oo la socday lagu dilay israsaaseyn dhex martay isaga iyo xoogagga ammaanka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Mr Kamal uu madax ka ahaa garabka hubeysan ee kooxdaasi, waloow ururka Ikhwaanul Musliniinka ay leeyihiin ururkaasi waa mid nabdoon.

Ninkaas ayaa laba jeer lagu xukumay xabsi daa'in isagoo maqan.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa sheegay in ninkaasi la waayay Isniintii.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan