Madfac 60 qof oo hal qoys ah ku dilay Marka

Ciidammada AMSIOM ayaa lagu eedeeyay inay madfacaasi tuureen Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ciidammada AMSIOM ayaa lagu eedeeyay inay madfacaasi tuureen

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ee Soomaaliya ayaa sheegaya in lix qof oo isku qoys ah ay dhinteen ka dib markii xalay uu madfac ku dhacay guri ay daganaayeen.

Guriga ayaa ku yaalla tuulo la yiraahdo Faranga oo u dhaxysa deegaanada Buufow iyo Janaale.

2 qof ayaa la sheegay inay sidoo kale ku dhaawacmeen madfacaasi.

lixda qof ee dhintay ayaa afar kamid ah waxa ay yihiin carruur, sida uu BBC-da u sheegay gudoomiyaha degmada Marka, Xasan Cumar.

Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale sheegay in uu tuhunsan yahay in madfacaasi ay soo tuureen AMISOM oo saldhig ku leh halkaasi.

"Sax ma ahan in AMISOM mar kasta oo la soo weerarro ama qarax lala eegto ay ka aargoostaan dadka rayidka ah. Marar badan ayaan arrintan kala hadalnay", ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Marka, Xasan Cumar.

AMISOM wali kama asyan hadlin in madfacasi ay iyaga tureen iyo in kale.