Qaramada Midoobeey oo sheegtay in Xalab ay noqotay 'naar lagu nool yahay'

Xalab Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xalab ayaa Ruushka iyo dowladda Suuriya ay weerar ku hayeen ku dhawaad laba toddobaad

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dadka ku dhex xayiran magaalada Xalab aysan haysan wax ay ku noolaadaan, iyadoo cuntadii ay qaaliyoowday.

Stephen O'Brien oo ah iskuduwaha Qaramada Midoobay ee arrimaha gargaarka degdega ayaa BBC u sheegay, in dad badan ay cunaan wax yar oo kaliya maalintii hal mar iyadoo cuntadii taalay dhamaatay.

Wuxuu sheegay in gargaar uu diyaar yahay laakiin aan la gayn karin magaalada hadii aan la joojin xabada.

Ruushka iyo dowladda Suuriya ayaa weeraraya xaafadaha ay haystaan mucaaradka laba toddobaad tan iyo intii ay burburtay xabad joojinta.