Haweenka ka ganacsada dalagyada dalka ee suuqa weyn ee Berbera
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Haweenka ka ganacsada dalagyada dalka ee suuqa weyn ee Berbera

Suuqa weyn ee ku yaal badhtamaha magaalada Berbera ayaa dadka wax ku iibiya waxaa u badan haween oo xilligan kuleylka xagaagana la qabsaday oo aan ka bixin magaalada.

Haweenkan ayaa ku mashquulsan sidii ay nolol maalmeedka reerahooda muruqooda kula soo bixi lahaayeen, qaarkoodna waxa ay iibiyaan dalagyada ka soo go'a beeraha dalka.

Haddaba weriyaha BBCda Axmed Saciid Cige oo mar sii horreysay safar shaqo ku tegay magaalada Berbera ayaa booqday sariibadaasi ama suuqaasi, warbixintan ayuuna inooga soo diray.