Xaaladda guud ee macallimiinta Soomaaliya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda guud ee macallimiinta Soomaaliya

Maanta oo kale sanad kasta, waxaa caalamka laga xusaa maalinta macallinka.

Dagaaladii sanadaha badan ka socday Soomaaliya ayaa waxa ay horseedeen in la waayo macallimiin tababaran oo gacanta ku qabta tacliinta dalka.

Waxaana sidaa hoos ugu dhacay tayadii waxbarashada.

Hasayeeshee haatan oo deegaano badan oo dalka ah ay deganaani ka jirto, ayaa waxaa bilaabmay dadaalo dib loogu bilaabayo tayaynta waxbarashada iyo tababarka macallimiinta.

Haddaba waa sidee xaalka macallinka ka shaqeeya Soomaaliya? Su'aashaas iyo kuwo kale ayaan weydiinay Fowziya Cabdiraxmaan Warsame, oo ah hormuudka Kulliyada Waxbarashada ee Jaamacadda Umadda.

Waxa ay u warrantay Suheyba Maxamed Badqas.