Kaine iyo Pence oo ay dood kulul dhexmartay

Musharixiinta jagada madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Tim Kaine iyo Mike Pence oo doodaya. Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Musharixiinta jagada madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Tim Kaine iyo Mike Pence oo doodaya.

Labada musharrax ee jagada madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Tim Kaine iyo Mike Pence ayay dhexmartay dood kulul oo la xiriirta dhaqaalaha, soogalootiga iyo siyaasadda arrimaha dibedda.

Tim Kaine, oo musharrax madaxweyne ku xiugeen u ah Hillary Clinton, iyo Mike Pence, oo isagu la socda musharraxa Jamhuuriga ee Donald Trump, ayaa mid walba difaacay siyaasadda musharraxiinta ay la jiraan.

Mike Pence ayaa ku eedeeyay Hillary Clinton inay kordhin doonto canshuuraha laga qaado dadka maalqabeenka ah.

Tim Kaine ayaa dhankiisa dhaleeceeyay howlaha ganacsi ee Trump uu ku leeyahay dalka Ruushka, isagoo ku eedeeyay in aysan u kala socneyn farqiga u dhexeeyo in wax la hoggaamiyo iyo kelitalinimo.