EU oo beeniyay in shuruud lagu xiray kaalmada Afqaanistaan

Kaalmada Afqaanistan
Image caption Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Federica Mogherini

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Federica Mogherini ayaa beenisay warar sheegayay in Midowga Yurub uu shuruudo ku xiraya kaalmada uu siiya dalka Afqaanistaan.

Hadalka Mogherini ayaa yimid kaddib markii ay soo bexeen warar sheegayay in Midowga Yurub uu doonaya in dowladda Afqaanistaan ay dib u ceshato kumanaanka qof ee reer Afqaanistaan ee qaxootiga ku ah qaaradda Yurub.

Haweeneydan arrimaha siyaasadda dibadda u qaabilsan Midowga Yurub oo ka hadlaysay Brussels ayaa waxa ay sheegtay in ay dalkaasi Afqaanistaan ugu yaboohayaan 1.3 bilyan oo doolar safarta sano ee soo socota.

Wax ay intaasi ku dartay in uusan xiriir ka dhaxeyn kaalmada horumarineed ee dalkaasi la siiyo iyo muhaajiriinta.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha Afqaanistaan ay sameeyeen isbadal lagu farxo.

In kabadan 70 waddan ayaa maanta la filayaa in ay dalkaasi Afqaanistaan ugu yaboohaan kaalmo dhaqaale oo kor u dhaafeysa saddex bilyan oo doolar.