Maxkamadda ICC oo booqaneysa Israa'iil iyo Falastiin

Maxkamadda ICC Lahaanshaha sawirka ICC
Image caption ICC

Dacwad oogeyaal ka socda maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ee ICC ayaa lagu wadaa in markii ugu horreysay ay booqasho ku tagaan Israa'iil iyo dhulka Falastiyiniinta.

Warbixin qoraal ah oo ay maxkamaddaasi soo saartay ayaa lagu sheegay in ujeedada socdaalkaasi uusan ahayn in ay caddeymo soo uruuriyaan balse ay tahay in ay dadka ku wacyigeliyaan sida ay maxkamaddani u shaqeyso.

Socdaalkaasi ayaa qaadan doono muddo shan maalmood ah.

Maxkamaddani ayaa in muddo ah ka baaraandegaysay in ay furto baaritaan ku aadan dambiyo dagaal oo la sheegay in la geystay dagaalkii Qasa ee sanadkii 2014-kii.

Israa'iil ayaa sheegtay in ay awood u leedahay in xaddaalad loo helo eedeymaha ah in askarteeda ay awood dheeraad ah adeegsadeen xilligii uu dagaalkaasi socday.

Sida ku xusan heshiiskii lagu unkay maxkamaddani, waxaa khasab ah in ay caddeyso in waddan uusan awoodin ama uusan diyaar u ahayn in eedeymaha noocaasi ah uu wax ka qabto ka hor inta aysan maxkamaddaasi soo oogin dacwad ka dhan ah dadka dambigaasi lagu eedeynayo.