Go'aano ay gaareen ergooyinka Jowhar
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Go'aano ay gaareen ergooyinka Jowhar ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe

Maamul goboleedka u dambeeya habka federaalka oo shirkiisu muddo 9 bilood ah uu ka socdo Jowhar ayaa go'aano lagu gaaray.

Go'aanada oo dadka qaar ay diidan yihiin ayaa ah dastuurka, astaanta, xarunta iyo calanka maamulka cusub oo loo bixiyey Hirshabelle.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arrimaha gudaha ee Soomaaliya, Yaxye Cali Ibraahim ayaa BBC uga waramay.