Dhageyso: Dibad baxyada Itoobiya ma saameyn karaan Soomaaliya?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhageyso: Dibad baxyada Itoobiya ma saameyn karaan Soomaaliya?

Dowladda Itoobiya waxa ay sheegaysaa in ugu yaraan 10 shirkadood lagu gubay, laguna bililiqeystay gobolka Oromiya.

Wasiirka warfaafinta waxa uu BBC-da u sheegay in qalalaasaha ay abaabuleen burcad, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu intaasi ku daray inaysan hadda jirin isu soo baxyo.

Hogaamiyayaasha diimaha waxa ay codsadeen in xaaladda la dejiyo, wada xaajood qaranna la bilaabo.

Hadaba Xaaladda Itoobiya ka taagan maxaa lagu micneyn karaa. Soomaaliyana saameyn noocee ah ayey ku yeelan kartaa?

Arrimahaas iyo kuwa kale ayaa DR Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo ka faallooda arrimaha Afrika uu uga warramay Weriyaha BBC-da Bushra Nuur Maxamed.

Mowduucyada la xiriira