Daawo: Duufaan ku dhufatay qeybo ka mid ah Maraykanka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Daawo: Duufaan ku dhufatay qeybo ka mid ah Maraykanka

Duufaan weyn ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay ku dhufato qeybo ka mid ah Maraykanka. Dhowr gobol oo ku yaalla Maraykanka ayaa looga dhawaaqay xaalad deg deg ah iyadoo malaayiin qofna ay guryahooda ka barakaceen. Haiti ayay kol hore cagta soo marisay oo ay 300 oo qof ku dishay. Weriyaha BBC-da Maraykanka Maxamed Xaaji Xuseen Shiine ayaa ka warramaya cabsida laga qabo duufaantan oo loogu magac daray Mathew.