UNICEF: Gabdhaha waxay guryaha ka qabtaan shaqa ka badan tan wiilasha

Gabdhaha shaqa badan ayay qabtaan Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Gabdhaha yaryarka ah oo shaqo badan ka qabta guryaha

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba afartan gabdhaha ay ku mashquulsan yihiin shaqada guriga marka loo fiiriyo wiilasha.

Anju Malhotra oo ka tirsan hay'adda UNICEF ayaa sheegaya in saameyn ballaaran ay arrintaasi ku yeelatay awoodda gabdhaha ay wax ku baran lahaayeen ama ay ku qaadan lahaayeen farxaddooda carruurnino.

Warbixinta ayaa lagu ogaaday in shaqo dheeraad ah gabdhuhu ay qabtaan marba marka ka sii dambeyso, iyada oo gabdhaha 14 jirada ah ay shaqeeyaan kala bar wakhtigooda marka la barbar dhigo wiilasha ay isku da'da yihiin.

Waxa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in shaqooyinka sida biya dhaaminta iyo xaabo soo guridda ay sii siyaadineyso khatarta ay gabdhaha yaryar ugu jiraan xadgudubka dhanka galmada.

Dalka Soomaaliya, gabdhaha da'dooda ay u dhaxeyso 10 ilaa iyo 14 sano, in ay 26 saac toddobaadkiiba guriga ka shaqeeyaan guud ahaan dalka oo dhan.

Dalalka Burkina Faso iyo Yemen ayaa sidoo kale waxa uu si aad ah dhanka shaqada farqi ugu dhaxeeyaa gabdhaha iyo wiilasha.