Sideed boqol oo qof oo ku dhimatay duufaantii ku dhufatay Haiti

UN waxay ka digeysaa in saameynta ay intaa ka badan karto Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption UN waxay ka digeysaa in saameynta ay intaa ka badan karto

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in ay qaadan karto maalma kale oo dheerad ah si loo kala ogaado qasaaraha iyo samenyta dhabta ah ee ka dhalatay dufanadii ku dhuftay dalka Haiti.

Masuuliyinta halkasi jooga waxaa ay sheegen in 800 oo qof la rumesanyahay in ay ku dhinteen dabeylaha ku dhuftay Haiti Malintii Talaadada.

James Beighle, oo ah madaxa gargaarka He`yadda mad-habta Catholic-ga ayaa BBC-da u sheegay in tirada dhimashada ay kordhi karto.

Carlos Veloso, oo katirsan Hey`adda cunnada addunka ee WFP ayaa sheegay in gargaar ah la garsiiyay halka ay mashaqadu ka dhacday.

Balse deegaanada ay yihiin kuwa go`doonsan, sida kaliya ee lagu gaari karana ay tahay in la adeegsado diyaaradaha qumatiga ukaca ee Helicoptarada.

Waxaana uu sidookale uu sheegay in dadka rayidka ee Haiti ay sameeyeen waxwalbo oo karankooda ah, laakiin ay u baahanyihiin tageero dheeraad

Dhanka kale, dufaanada ayaa gaaray konfur-bari ee dalka Mareykanka. Madaxweyne Obama waxa uu ka digay in gobolka Florida ay la soo darsi karto xaalad aad u daran iyadoo qatarta daadadka iyo dabeylaha ay yihiin kuwa muqda.

Shacabka ku nool afar gobol oo xeebaha ku yaalla ayaa laga saaray guryahooda. sidoo kale, In kabadan hal-milyan oo qof ayaa koronto la'aan ah.

Mowduucyada la xiriira