Hogaamiyihii Islaamiyiinta Tuareg oo lagu dilay dalka Mali

Ururka qowmiyadda Tuareg waxay dagaal kula jireen dowladda Mali oo hadda ay la midoobeen Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ururka qowmiyadda Tuareg waxay dagaal kula jireen dowladda Mali oo hadda ay la midoobeen

Hogaamiyihii hore ee dhaqdhaqaaqii Tuareg ee dalka Mali, Sheekh Aoussa, ayaa lagu dilay miino dhulka lagu aasay.

Gaari uu la socday ayaa lagu qarxiyay magaalada Kidal ee Waqooyiga-Bari ee Mali.

Ka hor intaanan gaarigiisa la qarxin waxa uu ka qeybgalay kullan ka dhacay xarunta ciidamada Nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobeey ku leeyihiin dalkaasi.

Sheekh Ag Auossa waxa uu hogaamiye u ahaan jiray Urur mucaarad ahaa kaas oo dagaal kula jiray dowladda Mali.

Kooxdaasi ayaa xiriir la lahayd urur islaami ah oo aad u xoog badan afar sano ka hor.

Markii isbeheysigaasi uu burburay, Tuareg waxa ay joojiyeen dagaalkii ay dowladda kula jireen.

Markaasi kaddib ciidamada Faransiiska ayaa ururadii kale ee islaamiyiinta ka saaray dalkaasi Mali.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan