Dhageyso: Faafaahin ku saabsan duqeyntii Yaman ka dhacday
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhageyso: Faafaahin ku saabsan duqeyntii Yaman ka dhacday

Saraakiisha Qaramada Midoobeey ee ku sugan Yaman waxa ay sheegayaan in in ka badan 140 qof ay ku dhinteen duqeyntii shalay ka dhacday Sanca.

Duqeynta oo lagu eedeynayo isbeheysiga Sucuudiga uu hogaaminayo waxaa lala eegtay dad ka qeybgalayay kullan tacsi.

Iskuduwaha arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobeey ee dalka Yaman, Jamie McGoldrick, waxa uu sheegay in shaqaalaha arrimaha gargaarka ay ka caroodeen duqeynta.

Dowladda Mareykanka ayaa duqeynta kaddib sheegtay inay dib u eegeyso ama yareyneyso taageerada ay siiso isbeheysiga Sucuudiga.

Balse, Sucuudiga iyo xulafadiisa ayaa beeniyay in diyaaradohooda ay duqeeyeen goobta ay tacsida ka socotay.

Isbehesigan ayaa xulafo la ah dowladda Yaman oo dagaal kula jirta mucaaradka Xuutiyiinta.

Hadaba Huseen Yoonis Xasan, waxa uu u shaqeeyaa Qaramada Midoobeey, wuxuu hadda ku sugan yahay magaalada Sanca, qadka telefoonka ayuu ugu warramay Axmed Xaji Xasan.