Liibiya oo eriday tababaraha xulkeeda

Tababaraha Liibiya Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Clemente ayaa lagu waday in uu shaqada ka tago dhammaadka bisha November.

Liibiya ayaa shaqada ka eriday tababare Javier Clemente, ka dib markii xulka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo uu 4-0 uga badiyay xulka dalkaasi, ciyaar ka tirsanayd isreereebka koobka adduunka 2018.

Xiriirka kubadda cagta Liibiya ayaa go'aankan shaaciyay, maalin ka dib guuldarradii xulkiisa kasoo gaartay kulankii Sabtidii ka dhacay caasimadda Kinshasa.

Clemente oo 66 jir ah, ayaa lagu waday in uu shaqada ka tago dhammaadka bisha November, xilligaasi oo uu dhammaan lahaa qandaraaskiisa.

Kubadda cagta ee Liibiya ayaa waxaa saameeyay colaadda dalkaasi ka taagan, waxaana laga mamnuucay in ay dalkooda ku dheelaan kulan caalami ah.

Kulanka ay Talaadada beri ah Liibiya la yeelan doonto xulka Tunisia, ayaa waxa uu ka dhici doonnaa caasimadda Qaahira ee dalka Masar.