Colombia oo ururka labaad ee mucaaradka ELN la heshiineysa

Colombia waxay horey ula heshiisay mucaaradka FARC Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Colombia waxay horey ula heshiisay mucaaradka FARC

Dowladda Colombia iyo ururka labaad ee mucaaradka ay weyn ee ELN ayaa waxa ay sheegeen in wadahadallo nabadeed ay bishan dhammaadkeeda u bilaabanayaan.

Wadahadalladii ugu horeeya waxaa lagu qaban doonaan dalka Ecuador, 27ka bishan.

Madaxweynaha dalkaasi, Juan Manuel Santos, waxa uu sheegay in wadahadallada uu la yeelanayo ELN, ay dhalineyso in nabad waarta laga gaaro colaadaha dalkiisa.

Colombia, in kabadan 50 sano ayuu ka socday dagaal sokeeye.

Waxaa madaxweynaha Colombia la siiyay abaalmarinta nabadda ee Nobelka, kaddib markii uu dadaal u galay in heshiis lala galo ururka fallaagada ugu weyn ee FARC.

Laakiin aqlabiyadda codbixiyayaasha dalkaasi ayaa afti ku diiday heshiiskaasi, balse, Mr Santos wuxuu isku deyayaan in wax laga badalo heshiiska.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan