Siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga oo Trump uga baxay ololaha doorashada

Paul Ryan, afhayeenka aqalka wakiillada ee Mareykanka Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Paul Ryan, afhayeenka aqalka wakiillada ee Mareykanka

Afhayeen aqalka wakiillada ee dalka Mareykanka, Paul Ryan, wuxuu sheegayaa in hadda iyo wixii ka dambeeya uusan u ololeyn doonin musharraxa xisbigooda ee Donald Trump.

Wuxuu wakiillada Jamhuuriga u sheegay in hadda dadaalkiisa uu yahay in labada aqal ay ku guuleystaan xisbiga Jamhuuriga.

Waxa uu tilmaamay in ujeedadiisa ay tahay in, haddii Hillary Clinton la doorto, inaysan fursad u helo inay meel mariso qorshayaasheeda.

Donald Trump oo u jawaabay Paul Ryan, wuxuu sheegay inuu waqtiga iska luminaayo.

"Waxay ahayd inuu waqti geliyo isu dheellitirka miisaaniyadda iyo socdaalka sharcidarada ah, halkii uu aniga ila dagaalli lahaa", ayuu yiri Trmp.

Hadalka Ryan ayaa imaanaya maalin kadib dood TV-yada laga baahiyay oo dhex martay labada musharrax ee Jamhuuriga iyo Dimuquraadiga.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan