Ciidammada Itoobiya oo ka baxay Ceel Cali
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ciidammada Itoobiya oo ka baxay Ceel Cali

Aroornimadii hore ee saaka ayaa ciidamada Itoobiya oo ay wehliyaan ciidamo yar oo Soomaali ah waxa ay isaga tageen saldhigayadii milatari iyo kuwii maamulka ee deegaanka Ceel Cali sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka.

Xooggaga Al-Shabaab ayaa barqadii maanta qabsaday deegaanka Ceel Cali oo qiyaastii 75 km dhinaca galbeed uga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.