Waraysi:  Sida looga hortagi karo guurka gabdhaha yar
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Aamina X. Cilmi ayaa ka hadashay muhiimada joojinta guurka gabdhaha yar

Ururka xannaanada caruurta ee Save the Children warbixin uu soo saaray wuxuu ku sheegay in meel ka mid ah dunida 7dii lbiriqsi lagu arooso gabar 15 jir ah oo lagu khasbo nin ka weyn..

Dalalka ay ka dhacdo waxaa ku jira Afghanistan,Yemen, Hindiya iyo Somalia.

Sida warbixintu sheegtay guurka caynkan ah wuxuu gabdhaha yar yar dhaxalsiiyaa dhibaatooyin isugu jira caafimaad,fursado nololeed oo ka luma iyo waxbarasho la'aan.

Amina Haji Elmi, oo ah madaxa SSWC ee daryeelka haweenka iyo dhallaanka ee Muqdisjho ayaa u warantay BBC iyadoo joogta magaalada Cadaado ee bartamaha Somaaliya.

Abdinur Sh Mohamed ayay uga warantay guurka lagu khasbo gabdhaha ka yar 15 sano cawaaqibka uu dhaxal siin karo gabdhaha.