Shiinaha: Konton Mas ayaa baxsaday

Mas Lahaanshaha sawirka C Smith and P Eskridge
Image caption Mas baxsad ah

Saraakiisha bariga Shiinaha ayaa baadi goobaya in ka badan konton mas oo nooca Kobraha ah, oo laga waayay beer si sharci darro ah loogu xannaaneynayay.

In kabadan laba boqol oo mas ah ayaa baxsaday bishii Agoosto.

Beeraleyda haystay masaskaasi ayaa u sheegay booliska in ay isku dayayeen in ay soo qabtaan ayaga oo aan wergelin masuuliyiinta.

Masaska baxsaday ayaa la ogaaday ka dib markii mid ka mid ah laga helay guri ku dhexyaal beer, taa oo cabsi gelisay dadkii halkaasi ku noolaa.

Dowladda hoose ayaa u laab qaboojisay dadweynaha, ayadoo sheegtay in ay heyso daawo ku filan oo lagula dagaallami karo sunta masaskaasi, haddii uu qaniino dadka ka hor inta aanan masaskaasi la helin.