Waxaa hoos u dhacay dacaayadaha Daacish

Daacish
Image caption Kooxda Daacish

Warbixin cusub oo ay soo saartay akadeemiyadda ciidanka Maraykanka ee West Point, ayaa sheegeysa in ay hoos u dhacday dacaayadda uu baahiyo ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga tan iyo bishii Ogoosto.

Ururkaasi ayaa xaqiijiyay in uu dhintay ninkii u qaabilsanaa borobagaandaha, oo lagu magacaabi jiray Abu Muhammad al-Furqan.

Bishii lasoo dhaafay gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegay in al-Furqan uu ku dhintay duqeyn lagula beegsaday meel u dhaw magaalada Raqqa ee Suuriya, halkaasi oo xarun u ah madaxda ururkaasi.