Shirka saabsan Cimilada adunka oo Ruwanda ka socda.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka saabsan Cimilada adunka oo Rwanda ka socda

Wakiillo ka kala socda caalamka ayaa maanta isugu tagaya magaalada Kigali si ay u dhamaystiraan heshiis lagu suulinayo maadada hydrofluorocarbons oo waxyeellaysa dahaarka koonkan ku wareegsan, taaso inta badan loo isticmaalo faranjeerrada iyo mukayifyada.

Haddii lagu guulaysto ayaa waxay noqon doontaa talaabadii ugu weynayd ee loo qaaday in xaddido diirrimaadka dunida, tan iyo wixii ka dambeeyey heshiiskii Paris ee dabayaaqadii kal hore, kaasoo ujeedadiisu ahayd in xal loogu helo dabaylaha kulul, daadadka abaaraha iyo heerka sare u kacaya ee badda.

Haddaba waxaanu arrintaa ka wareysanay Cabdullahi Cilmi Maxamed oo aqoon durugsan u leh cilmiga deegaanka iyo biyaha oo ku nool waddanka Sweden, waxa uu u warramay weriyaha BBCda, Maxamed Cabdiraxmaan Sheekh.