Turkiga: Waxaan dilnay 50 ka tirsan Daacish

Dagaalamayaasha Daacish Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dagaalamayaasha Daacish

Militariga dalka Turkiga ayaa sheegay inay dileen ku dhawaad konton ka mid ah dagaalamayaasha kooxda la magac baxday dowladda islaamka.

Turkiga ayaa sheegay in mintidiintaasi uu ku dilay duqeymo iyo iska hor imaadyo ka dhacay waqooyiga Suuirya 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Xoogagga Turkiga ayaa hadda ku sii siqaya dhinaca magaalada Dibiq oo ay gacanta ugu jirto kooxda Daacish.

Kooxdaasi ayaa iska caabisay ciidammada Turkiga oo kaashanaya xoogagga fallaagada oo isku dayaya inay la wareegaan deegannada ku hareereysan Dabiiq.

8 ka mid ah dagaalamayaasha fallaagada ayaa lagu dilay dagaaladaasi 20 kalana way ku dhaawacmeen.