Xildhibaan Jeesoow oo ka hadlay bixitaanka ciidamada Itoobiya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xildhibaan Jeesoow oo ka hadlay bixitaanka ciidamada Itoobiya ee Ceel Cali

Deegaanka Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan oo ciidamadii AU ee joogay ay shalay ka bexeen ayaa isla markiiba waxaa u daba maray oo qabsaday kooxda Al shabaab.

Waxaa lagu eedeeyey shabaabku in ay dileen dad ay ku jireen Nabadoon Maxamuud Xaayow oo 75 jir ahaa iyo Nabadoon Biriq Maxamuud Cabdulle oo 85 jir ahaa iyo labo nin oo dhalinyaro ah oo lagu kala magacaabo Cabdiwahaab Buurfuule iyo Ibraahim Nuur.

Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo Jowhar matala ayaa u waramay wariyaha BBC. Axmed Cabdi Nuur ayaa waydiiyey waxa uu kala socdo dhacdooyinka Ceel-Cali.