'21 ka mid ah gabdhihii Chibok oo la soo badbaadiyay'

Gabdhaha ardayda ah ee laga afduubtay Chibok Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Gabdhaha ardayda ah ee laga afduubtay Chibok

Mas'uul sare oo ka tirsan dowladda Nigeria ayaa BBC-da u sheegay in la soo daayay 21 ka mid ah gabdhihii ay kooxda Boko Xaraam ka afduubteen iskuul ku yaalla magaalada Chibok 2 sano ka hor.

Ma jiraan warar madax banaan oo arrintaasi xaqiijinaya. Waxaa la sheegayaa in gabdhahaasi ay haatan ku jiraan gacanta xoogagga dowladda oo ku sugan magaalada waqooyiga dalkaasi ku taalla ee Maiduguri.

Mas'uulku ma uusan sheegin sida ay ku timid soo badbaadinta gabdhahaasi.

Milatariga Nigeria ayaa maalmihii la soo dhaafay ka waday howl gal ballaaran keymaha Sambisa oo ay ku xoogan tahay kooxda Boko Xaraam.

Afduubka gabdhaha ayaa noqotay mid aad uga careysiiysay caalamka oo dhan, dhalisayna olole baraha bulshada ka socday oo loogu magacdaray "soo celiya gabdhaheena".

Hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday Boko Xaraam in ay gabdhahaasi xoriyadooda siiyaan, isla markaana ay kooxdu joojiso weerarrada iyo dilalka ka dhanka ah dadka rayidka ah.

Warbaahinta Nigeria ayaa dhawaan sheegtay in Boko Xaraam ay dalbatay lacag madax furasha ah si ay usii dayaan gabdhaha iskuuleyda ah ee Chibok.