Donald Trump: Eedaha dumarka ay ii soo jeedinayaan waa kuwo been abuur ah

Donald Trump oo ka qeyb qaadanaya ololihiisa siyaasadeed Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Donald Trump oo ka qeyb qaadanaya ololihiisa siyaasadeed

Donald Trump ayaa ku gacan sayray eedo ah in uu dumar u gaystay anshax xumo Isagoo la hadlayay tageerayaashiisa ku sugan gobolka Florida ayaa waxa uu sheegay in gabi ahaanba eedahaasi ay yihin kuwo been abuur ah.

Musharaxan Madaxweyne ee xisbiga Jamhuuriga Mareykanka, ayaa sheegay in dumarkaasi ay yihiin kuwa been badan, warbaahintana ay la safanaayeen haweeneyda la loolameeysa ee Hillary Clinton.

Dhowr dumar ah ayaa sheegay in Mr Trump uu fara xumeeyay ama uu xoog ku dhunkaday.

Xaaska Madaxweyne Obama, Michelle Obama ayaa hore u sheegtay in arrimaha dumarka ee Trump ay yihiin kuwa 'naxdin iyo liidid leh'.

Mrs Obama ayaa sheegtay in hogaamiyeyaasha looga baahan yahay inay yeeshaan waxyaabaha aasaasiga u ah damiirka bani'aadmiga. Hadalkaasi ayey ka jeedisay xilli ay ka qeeb qaadaneysay olole siyaasadeed oo ka dhacayay New Hampshire.

Inkastoo magaciisa aysan sheegin haddana waxay u muuqatay in hadalladaasi oo dhan ay Michelle ula jeedday Mr Trump.

Muuqaal todobaadkii hore la baahiyay ayaa muujinaaya Trump oo hadallo anshax xumo ah ku oranaya haweeney, muqaalkaasi oo uu raali galin ka bixiyay ayaa dad badani ay ka caroodeen oo ay ka mid yihin masuuliyiin sarsare oo ka tirsan xisbiga uu u loolamayo.