Is barbardhig lagu sameeyey Soomaalida qurbaha ku nool
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Is barbardhig lagu sameeyey Soomaalida qurbaha ku nool

Jaamacadda Minnesota ee waddanka Maraykanka waxaa lagu qabtay barnaamij is barbar dhig ah oo lagaga hadalayay Soomaalida qurbaha deggan ee ku nool Norway iyo Minnesota.

Barnaamijka oo lagu casuumay safiiirrada waddanka Maraykanka u fadhiya waddamadaasi Axmed Ciise Cawad iyo Kare R. Aas, ayaa is bar bar dhig ku sameeyay Soomaalida ku nool Minnesota iyo Norway, waxayna sheegeen in Soomaalida Minnesota ay meelo fara badan horumar ka gaareen, oo loo baahan yahay in ay gaaraan Soomaalida Norway.

Haddaba, wariyaha BBC Maxamed Xaaji Xuseen, ayaa waraystay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykanka, wuxuuna marka hore waydiiyay bal waxa keenay in safiirradu ay ka hadlaan arrintan.