Qoondada Haweenka oo walaac laga qabo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qoondada Haweenka oo walaac laga qabo

Muddo bil ka yar ayaa la doonayaa sida la qorsheeyey in lagu soo dhamaystiro xubnaha baarlamaanka ee Soomaaliya, ayadoo doorashadanna ay ka duwan tahay kuwii hore.

Dumarka ayaa lagu heshiiyey in loo qoondeeyo boqolkiiba 30 inay ka noqdaan baarlamaanka, balse welwel weyn ayaa laga muujinayaa in dumarka ay qoondadaasi helayaan.

Faadumo Dayib waxay u ololaysaa qoondada haweenka, Cabdillaahi Sheekh Cabdirisaaq ayay uga warrantay walwalka dumarka ay qabaan.