Magaalada Gaalkacyo oo maanta daggan

Magaalda Gaalkacyo ayaa daggan ka dib dagaalo halkasi ka dhacay maalmihii la soo dhaafay Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Magaalda Gaalkacyo ayaa daggan ka dib dagaalo halkasi ka dhacay maalmihii la soo dhaafay

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in magaalada ay maanta dagan tahay ka dib dagaal magaaldaasi ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan maamullada GalMudug iyo Puntland.

Lama garanayo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaaldaasi, hasayeeshee waxaa la soo sheegayaa in dadka magaalada ay halkaasi isaga baxsanayaan.

Deegaanka lagu dagaalamayo oo ku beegan galbeedka magaalada ayaa labada maamul ee Galmudug iyo Puntland ay isku hayaan dhul la sheegay inuu dhismo ka socday.

Xiisadda labada maamul ayaa meel xun gaartay bishii la soo dhaafay ka dib markii Maraykanka uu duqeeyay xero ciidan oo ku taalla magaalada Gaalkacyo oo Galmudug ay sheegtay in lagu dilay 22 ka mid ah ciidammadooda. Waxayna Galmudug ku eedaysay Puntland inay macluumaad khaldan siisay Maraykanka.

Marykanka ayaa ku adkeysanaya in weerarkaasi uu ku dilay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab, balse uu baaritaaaan ku sameynayo eedeynta Galmudug ka soo yeertay.