Madaxweynaha Nigeria oo xaaskiisa ay u digtay

Caasha oo dhinac taagan ninkeeda Mohammud Buhari markii la dhaarinayay 2 sano ka hor Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Caasha oo dhinac taagan ninkeeda Mohammud Buhari markii la dhaarinayay 2 sano ka hor

Xaaska Madaxweynaha Dalka Nigeria Caasha Buhari ayaa sheegtay inay taageeraynin saygeeda haddii uu is sharraxo doorashada dambe ee dalkaasi.

Marwo Caasha ayaa intaasi raacisay kaliya inay taageeri doonto madaxweyne Buhari hadii uu isbadal muuqda ka sameeyo dalka Nigeria.

Caasha Buhari oo waraysi siisay BBC-da ayaa sheegtay in madaxweynaha uu xilal u magacaabay shakhsiyaad aan aaminsanayn afkaarta xisbiga talada haya ee APC. Waxay sheegtay in madaxweyne Buhari looga baahan yahay inuu dhageysto taageerayaashiisii ka caawiyay inuu ku guulaysto madaxtinnimada dalka laba sano ka hor.

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Abuja ayaa sheegaya in xaaska Madaxweynaha Nigeria ayaa u muuqato inay u hadleysay dad taageersan madaxweyne Muxamadu Buhari oo filayay in xilal loo magacaabi doono ka dib markii la doortay madaxweynaha balse aan xilalkaasi helin.