Thailand oo boqor kusime magacowday

Boqorka geeriyooday aad ayaa loo jeclaa Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Boqorka geeriyooday aad ayaa loo jeclaa

Dalka Thailand waxaa la magacaabay qof kusime ah oo sii haynaya xilka boqornimada dalkaasi. Magacaabistan ayaa ka dambaysay ka dib markii uu geeriyooday boqorkii dalkaasi ee Bhumibol Adulyadej.

Boqorka leh dhaxalka boqortooyada dalkaasi Maha Vajiralongkorn oo noqanaya boqorka badali doona kan hadda dhintay ayaa codsaday in la siiyoo waqti uu aabihiis u murugoodo ka hor inta aanan loo caleemo-saarin taajka boqortooyada.

Sharciyo adag ayaa u yaalla dalka Thailand, sharciyadaasi oo mamnuuc ka dhigayo in dadweynaha ay ka hadlaan cidiii badali lahayd boqorka geeriyooday.

Boqor Bhumibol, oo ku dhashay gobolka Massachusetts ee dalka Mraykanka ayaa boqortooyada wuxuu la wareegay, 9 June 1946 ka dib markii walaalkii boqor Ananda Mahidol, uu dhintay.

Dhimashada boqorka ayaa timid iaydoo dalkaasi uu wali ku jira xukun milatari oo yimid ka dib agfembigii dhacay sanaddii 2014-kii.