Masar oo askar looga dilay Siinaay

Mintidiinta oo Siinaay aas kaga qayb galayey 2013 Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mintidiinta oo Siinaay aas kaga qayb galayey 2013

Mintidiin islaamiyiin ah ayaa dalka Masar waxay ku dileen 12 ka tirsan ciidanka amaanka, weerar ka dhacay gacanka Siinaay.

Hadal uu Milaterigu soo saaray ayuu ku sheegay in dableydu ay bartilmaameedsadeen bar-koontarool oo 80 KM bariga kaga aaddan kanaalka Suweys. Sida uu Milaterigu sheegay, waxaa iyagana la dilay 15 ka mid ah dableydii weerarka soo qaaday.

Dagaallamayaal daacad u ah kooxda khilaafada islaamiga ayaa sheegay inay weerarka ka dambeeyeen. Mintidiinta ayaa inta badan bartilmaameedsada Milateriga jooga Siinaay.