Maraykanka oo duullimaadyada ka mamnuucay Galaxy Note 7

Samsung Galaxy Note 7 uu dab ku qabsaday Richmond, Virginia. Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Samsung Galaxy Note 7 uu dab ku qabsaday Richmond, Virginia.

Maamulayaasha Maraykanka ayaa ka mamnuucay telefoonka Samsung Galaxy Note 7 dhamaanba duullimaadyada. Waaxda gaadiidka ayaa soo saartay amar degdeg ah , sababo la xiriira cabsi laga qabo xagga bed qabka, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in telefoonka uu dab ka kacay.

Rakaabka iyo shaqaalaha dayaaradaha ayaan loo ogolaan doonin wixii hadda ka dambeeya inay dayaaradaha la fuulaan, ama shandadahooda ku ritaan. Todobaadkii hore ayey shirkadda Samsung hakisay samaynta iyo iibinta telefoonkaas.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Samsung waxay dib ula laabanaysaa dhamaanba Galaxy Note 7

Bishii September waxay shirkaddu dalbatay in dib loogu soo celiyo laba milyan iyo bar taleefan, markaasoo ahayd markii ugu horraysay ee dhibaatadu ay soo shaac baxday. Samsung waxay filaysaa inay dib ula laabato Galaxy Note 7, arrintaasoo balaayiin Doollar ugu kici doonta.