Qarax 30 qof ku dhinteen oo ka dhacay Baqdaad

Qarax Ciraaq Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dhawr jeer oo hore ayay qaraxyo noocan ah ka dhaceen Baqdaad.

Qarax ismiidaamin ah ayaa lala eegtay dad shiico ah oo ku sugnaa magaalada Baqdaad ee xarunta dalka Ciraaq.

Qaraxaasi ayaa galaaftay nolasha 30 qof halka in kabadan 60 kalena ay ku dhaawacmeen.

Kooxda khilaafada Islaamka ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkaasi uu dhiigga badan ku daatay.

Qaraxa ayaa lala beegsaday teendho laga dhex dhisay suuq mashquul badan oo ku yaala Baqdaad.

Kummanaan shiico ah ayaa ka qayb qaadanaya xuska iyo muragada dilkii Imaam Xuseen oo uu awoow u ahaa Nabi Muxamad (NNKH).

Kooxda Khilaafada Islaamka ayaa bilihii la soo dhaafay weerarro ku qaaday Baqdaad, xilli ay sii luminayso gacan ku haynta dhul badan oo dalkaasi ka tirsan.