Kerry oo xaaladda Suuriya kala hadlaya madaxda qaar ka mid ah dalalka Yurub

Kerry wuxuu raadinayaa xal laga gaaro colaadda Suuriya Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Kerry wuxuu raadinayaa xal laga gaaro colaadda Suuriya

Xabbad joojin ay ka shaqeeyeen Maraykanka iyo Ruushka ayaa burburtay dhowr maalmood uun kaddib, wixii markaas ka dambeeyay ciidammada Suuriya, oo Ruushku taageerayo, waxay duqeyn ku hayeen magaalada Xalab, tallaabadaas oo Maraykanku uu ku tilmaamay dembi dagaal.

John Kerry imaanshihiisa London ma wado qorshe nabadedd oo faahfaahsan, laakiin waxaa uu sheegay inuu wado fikrado cusub oo dagaalka wax lagaga qaban karo. Ruushka iyo Maraykanka waxaa wada hadallada Switzerland ka dhacay kala qayb galay waddammada iyagu kala taageera kooxaha isaga soo horjeeda dagaalka Suuriya.

Ciidammo Iran ayaa hadda taageeraya ciidammada Suuriya, Sucuudiguna waxaa uu hubeynayaa mucaaradka. Diplomacy-iinta oo dhan waxay isku raacsan yihiin in wada hadallada la sii wado.

Mr Kerry waxaa uu soo jeediyay khariidad cusub oo nabadeed oo xabbad joojin iyo xilli kala guur siyaasadeed lagu gaari karayo. Laakiin macnuhu waxaa uu noqonayaa inay taasi waqti aad u dheer qaadan doonto. Wada hadalladuna aanay horumar ka sameyn doonin arrinta aadka loogu baahan yahay oo ah in la joojiyo duqeynta lagu hayo magaalada Xalab iyo gargaar ay helaan dadka ku nool magaalooyinka hareereysan ee dalka Suuriya.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan