Tobanaan qof oo ku dhimatay Malakal

Xooggaga Falaagada Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xooggaga Falaagada

In kabadan 50 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen dagaal culus oo ka dhacay dibedda magaalada Malakal ee dalka South Sudan.

Xooggaga mucaaradka ayaa Jimcihii weeraray magaaladaasi oo ah tan labaad ee dalka ugu weyn, ka dib markii ay qabsadeen tuullooyin u dhow, walow ciidamada dowladda ay sheegeen in ay ka hortageen duulaankaasi, ayna khasaare badan u geysteen mucaaradka.

Afhayeen u hadlay mucaaradka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ay ka go'neyd qabsashada Malakal, asaga oo intaa ku daray in aysan mar dambe jiri doonin fursad uu heshiis ku dhexmarayo hoggaamiyahooda, Riek Machar iyo madaxweyne Salva Kiir, iyo sidoo kale kooxaha qowmiyadaha Nuer iyo Dinka.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dad ka qaxaya colaadda South Sudan

Kumannaan shacab ah ayaa ku dhintay dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo fallaagada, kaas oo dalkaasi dib uga qarxay bishii July kaddib markii uu burburay heshiis nabdeed la gaaray.

Boqolaal kun oo qof oo dheeraad ahna waxaa lagu qasbay in ay isaga cararaan guryahooda.