Duulaanka Mosul oo bilowday

Ciidamada Ciraaq oo dagaal isku diyaaranya Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada Ciraaq oo isku diyaarinaya dagaalka Mosul

Ra'iisul wasaaraha Ciraaq, Haider Al Abadi, ayaa shaaciyay in uu bilowday duulaanka milateri ee ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga looga saarayo magaalada labaad ee dalkaasi ugu weyn, Mosul.

Mr Abadi oo duulaanka saqdii dhexe ee xalay ka shaaciyay telefishinka qaranka ayaa sheegay in la gaaray "saacadii la sugayay, ayna soo dhawdahay guul ballaaran."

Hubka culus ayaa laga maqlayay deegaannada u dhow Mosul.

Ciidanka Ciraaq iyo booliska dalkaasi oo keliya ayaa la filayaa in ay galaan magaaladaasi uu ururka dowladda Islaamiga la wareegay muddo hadda laga joogo laba sano ka badan.

Weriye ka tirsan BBC oo ku sugan meel u dhaw magaaladaasi ayaa sheegaya in qabsashada Mosul ay horseedi doonto in ururkaasi gebi ahaanba looga adkaado Ciraaq.

Ku dhawaad 300 oo kun oo askari ayaa ka qeyb qaadanaya duulaankaasi.

Madaxda hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, Filippo Grandi, ayaa BBC u sheegay in UNHCR ay fileyso in boqolaal kun oo qof ay ka qaxaan Mosul.